Yaa Waaya Graphic Designer?
Graphic designer Naqshadeeye Naqshadaha waa xirfadle ku jira Naqshadeynta Graphics iyo warshadaha Farshaxanka sawirada oo isku soo wada uruuriya ama isku xiro Sawirrada, sido Logo-yinka, Boorarka Darbiyada, Kuwa Wadaayinka La Suro, ID-Cardka iwm, iyo Weliba Qaab qorista, ama Sawirada Dhaqdhaqaaqa si loo abuuro gabal naqshad ah ama Abuurista Sawir u taagan meel ama walax.
Naqshadeeye Naqshadaha wuxuu u sameeyaa farshaxanka asal ahaan daabacaadda, daabacan ama warbaahinta elektarooniga ah, sida Buug-yaraha (Brochures) iyo Xayeysiinta (Advertising). Waxay sidoo kale mararka qaarkood mas'uul ka yihiin Dejinta Sawirada, Isdhexgalinta Sawira Badan, iyo Qaabeynta Websaydhka.
Mas'uuliyadda asaasiga ah ee Nashqadeeyaha shaqadiisu waa inuu u soo bandhigo macluumaadka hab la heli karo oo xusuus leh.
Ama wuxuu noqon karaa "Naqshadeeye Muuqaalada"..