Waa Maxay Internet of Things (IoT)

Internet of Things (IoT) wuxuu sharxayaa isku xerka walxaha jira - “Things (Walxaha)” - oo ay kuxiran yihiin dareemayaal "Sensor's", softiweer, iyo teknoolojiyad kale ujeeddadeeduna tahay isku xirka iyo isdhaafsiga xogta aaladaha iyo nidaamyada kale iyadoo la isticmaalaya internet-ka. Qeexitaanka IoT-ga ayaa isbadalay sababa laxiriira teknolojiyada badan sida real time analytics, machine learning, commodity sensors, and embedded systems.. Qeybaha hore ee nidaamyada gundhigga ah sida wireless sensors-ka, nidaamyada xakamaynta iyo kuwa iyaga ismaamula "Automation" (oo ay kujiraan guryaha iyo dhismaha oo la maamulo), iyo kuwa kale dhamaantood waxay gacan ka geystaan suurta gelinta Internet of Things. Waxaa jira walaacyo badan oo halis ah oo ku saabsan khataraha ku jira koritaanka IoT, gaar ahaan dhinacyada asturnaanta "Privacy" iyo amniga "Security", sidaa darteedna warshadaha iyo dhaqdhaqaaqyada dowladdaha ee wax looga qabanayo tabashoo...