Koobid Buuga Steve Jobs Presentation "THE INNOVATION SECRETS OF STEVE JOBS"

Waxa maanta iiso idlaaday aqrinta buuga "THE INNOVATION SECRETS OF STEVE JOBS" waa ka micna balaaran yahay magaca buug. 

Page 63| Scene 6_ Introduce the Antagonist, buuga wuxu ka sheekeynaya qisada Apple iyo sida ku bilaabatay iyo culeysyadii ugu weynaa ee so wajahay sanadii 1984-tii iyo sida Shirkada Apple ugu gudubtay, waxeey sii deysay Xayiisiintii ugu saameynta badneyd taariikhda TV-yada, taas oo ilaa hadda suuqa ku heyso. 

Qacidada Steve u adeegsaday waxeey aheyd (Problem+Solution= Classic Jobs), taas oo miraheedu noqday, soo saaristii (Smartphone+Phone+ Email+ Internet) iyadoo xiisa gooni ah siisay shirkada iyo so ifbixidii Macintosh 1984. 

Waxan jecleystay inan idiin faa'ideyo seddex arin aan aad ugu helay dhinaca ganacsiga iyo hal-abuurnimada taaso Steve ku xusay soo jeedinadiisa (presentation). 


1) Waa in qibradaada aad iibisa, cilmibaarisne ka sameysa ganacsiga aad rabtid, baahi weyna loo qaba. 


2) Marnaba haku dayan (Don't copy) qofkale wadada uu u maray ganacsigiisa ama guushiisa, ma tihid ku waqti iyo ku fursad. Shalay sheey qiima laha aya maanta hooseya. 


3) Waa inaad dib ugu fikirta ganacsigaaga si hal abuur leh, dib u habeey wax soo saarkaga ama waxaad iibineysid, Xayiisiintada wa inaad ka run sheegta, Ogow waxa jira dunida Malaayiin ganacsi mid walba wuxu leeyahay miisaankiisa qaaska ah, adiga maxaad ugu duwantahay. 

JOBS Doesn't Sell Computers; He Sell an Experience.

Carmine Gallo- Author of the well street journal bestseller- THE PRESENTATION SECRETS OF STEVE JOBS.

Abdifatah Ugas

Comments

Popular posts from this blog

30-ka Qof ee Ugu Taajirsan Dunida Technology -yada Qarnigan

Hacker-kii Ugu Awooda Badnaa ee Soo Mara Dunida Muslim-ka" Hamza Bendelladj"