Posts

30-ka Qof ee Ugu Taajirsan Dunida Technology -yada Qarnigan

Image
Tirada    Magaca    Hantida     Da'da #1  Bill Gates  $84.5 B67 #2  Jeff Bezos  $81.7 B59 #3 Mark Zuckerberg  $69.6 B38 #4  Larry Ellison $59.3 B78 #5 Larry Page $43.9 B49 #6  Sergey Brin  $42.7 B49 #7  Jack Ma $37.4 B58 #8  Ma Huateng  $36.7 B51 #9 Steve Ballmer $32.9 B66 #10 Michael Dell $22.4 B57 #10 Masayoshi Son $22.4 B65 #12 Elon Musk $20.7 B51 #13 Paul Allen $20.5 B70 #14 Lee Kun-Hee $18.3 B81 #15 Azim Premji $18.2 B77 #16 William Ding $16.1 B51 #17 Robin Li $15.8 B54 #18 Shiv Nadar $13.5 B77 #19 Dustin Moskovitz $13.3 B38 #20 Hasso Plattner $12.6 B79 #21 Zhang Zhidong $12.5 B51 #22 Eric Schmidt $12.4 B67 #23 Terry Gou $10.2 B72 #23 Dietmar Hopp $10.2 B82 #25 Liu Qiangdong $10.1 B48 #26 Zhou Qunfei$10 B53 #27 Eduardo Saverin  $9.7 B40 #28 Jan Koum $9.6 B46 #29 Pierre Omidyar $9.3 B55 #30 James Goodnight $8.9 B80 Midwalba oo ka mid waxey hantidiisa ka timid ka Ganacsiga ama Hal-abuurka Techno...

Koobid Buuga Steve Jobs Presentation "THE INNOVATION SECRETS OF STEVE JOBS"

Waxa maanta iiso idlaaday aqrinta buuga "THE INNOVATION SECRETS OF STEVE JOBS" waa ka micna balaaran yahay magaca buug.  Page 63| Scene 6_ Introduce the Antagonist, buuga wuxu ka sheekeynaya qisada Apple iyo sida ku bilaabatay iyo culeysyadii ugu weynaa ee so wajahay sanadii 1984-tii iyo sida Shirkada Apple ugu gudubtay, waxeey sii deysay Xayiisiintii ugu saameynta badneyd taariikhda TV-yada, taas oo ilaa hadda suuqa ku heyso.  Qacidada Steve u adeegsaday waxeey aheyd (Problem+Solution= Classic Jobs), taas oo miraheedu noqday, soo saaristii (Smartphone+Phone+ Email+ Internet) iyadoo xiisa gooni ah siisay shirkada iyo so ifbixidii Macintosh 1984.  Waxan jecleystay inan idiin faa'ideyo seddex arin aan aad ugu helay dhinaca ganacsiga iyo hal-abuurnimada taaso Steve ku xusay soo jeedinadiisa (presentation).  1) Waa in qibradaada aad iibisa, cilmibaarisne ka sameysa ganacsiga aad rabtid, baahi weyna loo qaba.  2) Marnaba haku dayan (Don't copy) qofkale wadada uu u ma...

Hacker-kii Ugu Awooda Badnaa ee Soo Mara Dunida Muslim-ka" Hamza Bendelladj"

Image
Hamza Bendelladj Wuxuu ku dhashay 1988, Tizi Ouzou, waa nin reer Algeria ah oo noqday mucjiso dhanka internetka ah iyo kaar qaade magaca BX1, waxaana lagu naanaysi jiray " Smiling Hacker ". Hamza waa luqadyahan ku hadla 5 luqadood oo inta badan u isticmaalo faa’iidada marka la eego aqoontiisa luqadeed si lacag looga soo saaro meel kasta oo adduunka ah. Tani waxay horseeday raadintiisaa oo qaadatay 5 sano. Wuxuu ku jiray liiska 10-ka ugu sareeya ee jabsadayaasha internetka ee ay aadka u raadsadaan Interpol iyo FBI  iyaga oo lagu eedeeyay inuu tobanaan milyan oo doolar ka lunsaday in ka badan laba boqol oo hay’ado maaliyadeed oo Mareykan iyo Yurub ah, iyada oo loo marayo fayraska kombiyuutarka, “SpyEYE Botnet "oo ku dhacay in ka badan 60 milyan oo kombuyuutar adduunka oo dhan (badiyaa ka yimid Mareykanka), oo uu la sameeyay saaxiibkiis Ruushka Aleksandr Andreivich Panin , oo loo yaqaan " Gribodemon ", si uu u xado macluumaadka bangiyada ee ku keydsan kombuyuutarr...

Waa Maxay Farqiga u Dhaxeeya IP Address iyo MAC Address?

Image
IP ADDRESS- wuxu ka kooban yahay 32 bit oo binary ah, waxane lo qeybiyaa 4 sideedaad, waane 4 byte, 8 walba waxa u dhaxeeya dhibic ama dot. Tusaale :- 192.168.1.1 waa cinwaan gaar ah oo tilmaamaya aalad ku jirta internetka ama shabakad maxalli ah. Waxa macquul ah in marka la jooga Private-ka kompuytarada qaar isku IP noqdaan, IP wuxuu u taagan yahay “Internet Protocol,” kaas oo ah xeerar lagu maamulo qaabka xogta loo soo diray internetka ama shabakadda qaaska ah. Nuxur ahaan, IP Address waa aqoonsi u oggolaanaya in macluumaadka loo diro inta u dhexeysa aaladaha shabakadda: waxay ka kooban yihiin macluumaadka goobta waxayna ka dhigaan aaladaha la heli karo isgaarsiinta. Internetku wuxuu u baahan yahay hab lagu kala saaro kombiyuutarada kala duwan, Routers-ka, iyo Server's-ka. Aaalad walba oo Network ama Internet ku xiran wuxu leeyahay IP Address la'aantiisne ma jirto device Isticmaali kara Internet ama Network. IP waxa loo qeybiyaa 5 class, Class walbane wuxu leeyahay meel u k...

Waa Maxay Farqiga u Dhaxeeya Network iyo Internet?

Image
♡● Network waa isku xirka laba device iyo ka badan meela isu dhawne yaalo, sida computers, servers, mainframes, network devices(Hub, Switch,  Router), peripherals, or device-yada kale. U jeedada la isugu xirayne eey tahay wadaagida xogaha iyo macluumaadka. Wuxu isku xiraa boqolaal ilaa kumanaan devices. Waxaa maamulaya ama controli kara shaqsiyaad.  Waxaa loo adeegsadaa Local Area Network, Wide Area Network, Campus Area Network, and Home Area Network. ♡● Internet waa mid aad u balaaran, waa isku xirka Network-ya badan, meela aad u kala fogne kala yaalo, waane Network of Networks, waxaane tusaale weyn u ah WAN. Wuxu isku xiraa Malaayiin devices. Ma jirto cid maamuli karto. Waxaa loo adeegsada World Wide Web. Mahadsanidiin.

Waa Maxay Straight Through Cable iyo Crossover Cable?

Image
Fiila Nooceeda Yahay UTP (Unshield Twist Pair), waxaa loo adeegsada isku xirka Network Devices. Si la isugu xiro waxa la raacaya heshiiska eey gaareen qolooyinka TIA/EIA kaaso kala saaraya qaabka la isugu xiraya fiilada iyo color-ka, Labada Nooc ee fiila waxeey qiima ku leeyihiin macnane ku sameeynayaan habka eey u xiranyihiin. Sida TIA/EIA 568A iyo TIA/EIA 568B. Straight through cable-  ayaa loo adeegsadaa shabakadaha LAN si loogu xiro aalado kala duwan sida  Hub to router, router iyo switch, PC and switch, iyo wixii la mid ah. Waxay beddel u tahay sidoo kale isku -xiriirinta wireless -ka ADSL-ka hal ama in ka badan oo kombiyuutarro ah ay ka helaan router -ka iyada oo loo marayo signal -ka wireless -ka. Crossover Cable- waxa loo adeegsada isku xirka LAN waa fiilo isgoys ah labada dhinac ku kala dhamaadaan (568A iyo 568B) oo loogu talagalay in si toos ah loogu xiro aaladaha Network-ga. Waxaa inta badan loo adeegsadaa in lagu xiro laba qalab oo isku nooc ah, tusaale. Computer t...

Diidmada Adeeg-Qaybin (DDoS)

Image
DDoS waa nooc ka mid ah weerarada xaasidnimo ee carqaladeeya taraafikada caadiga ah ee Network-ga si ay u galaan Server-ka, fatahaad ku sameysa taraafikada shabakada (taasoo dhalisa in la diido adeegga).  Waxay u shaqeysaa sida jid gooyo oo xayiraya wadada oo ka celineysa taraafikada caadiga ah inay yimaadaan halka ay ku socdaan. Aaladaha si fudud ugu xira shabakadda (sida kumbuyuutarrada, aaladaha IoT, taleefannada gacanta, iwm) waxay u nugul yihiin weerarada DDoS.