Waa Maxay Farqiga u Dhaxeeya IP Address iyo MAC Address?

IP ADDRESS- wuxu ka kooban yahay 32 bit oo binary ah, waxane lo qeybiyaa 4 sideedaad, waane 4 byte, 8 walba waxa u dhaxeeya dhibic ama dot. Tusaale :- 192.168.1.1 waa cinwaan gaar ah oo tilmaamaya aalad ku jirta internetka ama shabakad maxalli ah. Waxa macquul ah in marka la jooga Private-ka kompuytarada qaar isku IP noqdaan, IP wuxuu u taagan yahay “Internet Protocol,” kaas oo ah xeerar lagu maamulo qaabka xogta loo soo diray internetka ama shabakadda qaaska ah. Nuxur ahaan, IP Address waa aqoonsi u oggolaanaya in macluumaadka loo diro inta u dhexeysa aaladaha shabakadda: waxay ka kooban yihiin macluumaadka goobta waxayna ka dhigaan aaladaha la heli karo isgaarsiinta. Internetku wuxuu u baahan yahay hab lagu kala saaro kombiyuutarada kala duwan, Routers-ka, iyo Server's-ka. Aaalad walba oo Network ama Internet ku xiran wuxu leeyahay IP Address la'aantiisne ma jirto device Isticmaali kara Internet ama Network. IP waxa loo qeybiyaa 5 class, Class walbane wuxu leeyahay meel u k...