Posts

Showing posts from January, 2022

Hacker-kii Ugu Awooda Badnaa ee Soo Mara Dunida Muslim-ka" Hamza Bendelladj"

Image
Hamza Bendelladj Wuxuu ku dhashay 1988, Tizi Ouzou, waa nin reer Algeria ah oo noqday mucjiso dhanka internetka ah iyo kaar qaade magaca BX1, waxaana lagu naanaysi jiray " Smiling Hacker ". Hamza waa luqadyahan ku hadla 5 luqadood oo inta badan u isticmaalo faa’iidada marka la eego aqoontiisa luqadeed si lacag looga soo saaro meel kasta oo adduunka ah. Tani waxay horseeday raadintiisaa oo qaadatay 5 sano. Wuxuu ku jiray liiska 10-ka ugu sareeya ee jabsadayaasha internetka ee ay aadka u raadsadaan Interpol iyo FBI  iyaga oo lagu eedeeyay inuu tobanaan milyan oo doolar ka lunsaday in ka badan laba boqol oo hay’ado maaliyadeed oo Mareykan iyo Yurub ah, iyada oo loo marayo fayraska kombiyuutarka, “SpyEYE Botnet "oo ku dhacay in ka badan 60 milyan oo kombuyuutar adduunka oo dhan (badiyaa ka yimid Mareykanka), oo uu la sameeyay saaxiibkiis Ruushka Aleksandr Andreivich Panin , oo loo yaqaan " Gribodemon ", si uu u xado macluumaadka bangiyada ee ku keydsan kombuyuutarr...